News Abbas 0 2019-01-14
Hogaanka xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gelinkii dambe ee maanta 14-1-2019 xarunta dhexe ee xisbiga kusoo dhaweeyay in ka badan 150 dhallinyaro oo gabdho iyo wiilalba isugu jira, kuwaa oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga UPD. Munaasabadii soo dhaweynta dhallinyaradan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiye ku xigeenka arimaha maamul goboleedyada mudane senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag", xog-hayaha guud ee xisbiga mudane xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, xog-hayaha maaliyadda xisbiga mudane Axmed Xasan Aadan, xog-hayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Ciise Maxamuud Guure, senator Iftiin Xasan Baasto iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale "Madaale" guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.
Hogaanka xisbiga ayaa sharaxaad dhammaystiran ka bixiyey hiigsiga iyo hadafka xisbiga, waxtarka uu u leeyahay dhallinyarada in xisbiga xubno ka noqdaan, xaaladda dalku ku sugan yahay iyo sido kale waajibka ka saaran dhallinyarada in ay mashruuca samatabixinta dalka kaalintooda ugu weyn ka qaataan. Dhallinyaradan kusoo biiray xisbiga ayaa ka mahadceliyay qaabka quruxda badan ee xisbiga loogu soo dhoweeyay, ayagoona xusay in laga bilaabo maanta ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlaha xisbiga, dhinaca kalena ballan qaaday in ay xubno firfircoonna ka noqon doonaan gudaha xisbiga, waxayna tilmaameen in ay si gaar ah xisbiga UPD u xusheen markii ay qiimeeyeen xaaladda dalka, una arkeen in xisbigaan ay ku jiraan siyaasiyiin waaya-ragnimo iyo kalsooni badan shacabka ka heysta, laguna aamini karo hogaanka dalka. Hogaanka xisbiga ayaa kula dardaarmay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee xisbiga ku soo biiray, in xisbigu uu masaaxo weyn siinayo dhallinyaradu ay ku muujiyaan hal-abuurkooda iyo hawlahooda, iskuna diyaariyaan hogaanka dalka iyo in ay qeyb ka noqdaan isbedel siyaasadeed oo dhallinyaradu hogaaminayso.   Xafiiska Warfaafinta Xisbiga UPD.