News Abbas 0 2019-01-10
Waxaa gelinkii dambe ee maanta 10-1-2019 xarunta dhexe ee Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka uu kulan ay ka soo qeybgaleen 120 aqoonyahanka dhallinyarada ah ee xisbiga UPD ku dhexmaray qaar ka mid ah aqoonyahanka xubnaha ka ah xisbiga UPD iyo hogaanka xisbiga, ayadoona kulanka ay joogeen guddoomiyaha xisbiga mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Xog-hayaha guud ee xisbiga mudane xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Xog-hayaha dhaqaalaha iyo horumarinta wax soo saarka Dr. Khaalid Cali Cumar iyo Xog-hayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Ciise Guure. Ujeedada kulanka ayaa aheyd: Isbarasho, warbixinno kala qaadasho, talo bixin, ifinta kaalinta iyo ahmiyadda xisbiga UPD uu siinayo aqoonyahanka Soomaaliyeed, iyo qorshaha xisbiga uga aadan ka faa’ideysiga aqoonta aqoonyahanka iyo sidoo kale in aqoonyahanku uu ka faa’ideysto xisbiga. Guddoomiyaha Xisbiga ayaa khudbad dhiirogalin aheyd u jeediyey aqoonyahankii madasha yimid, wuxuuna kula daradaarmay in xisbigani aqoonayahanka iyo aqoonta uu ahmiyad gaar siinayo, lana joogo waqtigii aqoonayahanka Dhallinyarada ah uu samata-bixnta dalka ka qeyb qaadan lahaa, asagoo uga mahad-celiyey adeegyada waxbarasho iyo kaalinta aqoonyahankeenu uu ku leeyahay barbaarinta jiilasha dhallinyarada ah, wuxuuna kula taliyey in xubno firfircoon ka noqdaan hawlaha xisbiga UPD. Gabogabada kulanka ayaa waxaa lagu dhawaaqay guddi 9-xubnood ka kooban oo rag iyo dumarba leh kuwaa oo ka shaqeyn doona dhisida madasha aqoonyahanka xisbiga oo noqon doonta madal kulmineysa dhamaan aqoonyahanka xisbiga dal iyo dibadba, taasoo noqon doonta midda afkaarteeda iyo talooyinkeeda xisbiga lagu hagi doono. Aqoonyahanka kulankii galabta yimid ayaa si weyn u soo dhoweeyey tusaalooyinkii iyo tilmaamihii hogaanka xisbiga, ayagoona ballan qaaday in ay ka soo dhalaali doonaa kaalinta laga siiyey xisbiga isla markaana ka mahadceliyey tixgalinta gaarka ah ee la siiyey.