News UPD Party 0 2018-10-12
Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel weliba oo ay dunida ka joogaan waxaan ugu Hambalyeyneynaa maalinta Calankeena buluuga ah ee dhexda kaga taal xidigta muujineysa midnimada shanta Soomaali laga taagay dhulkeena hooyo 12-kii October 1954tii. Waana 64-jirka astaanteena quruxda badan. Halyeeyadii naftooda usoo huray baa duco iyo amaan naga mudan, dhamaanteen waxaa waajib inagu ah in aan u istaagno soo celinta heybaddii iyo sharafkii uu dunida ku lahaa, kana shaqeyno midnimada qarankeena iyo horumarkiisa.