Wararka & Warbixinnada Xisbiga
Xisbiga UPD oo si kulul uga hadlay weerarkii ay argagaxisadu ka geysteen magaalada Kismaayo
إنا لله وإنا إليه راجعون
Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii xanuunka badan inagu reebay ee xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena.
Tababar ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka oo xubno ka tirsan xisbiga UPD loogu qabtay magaalada Muqdisho
Ku dhowaad 50 xubnood oo ka socday xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, isuguna jiray garabyada Dhallinyarada iyo Haweenka ee xisbiga ayaa maanta waxay tababar hal maalin ah ku qaateen magaalada Muqdisho, ayadoona tababarka ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka…
Read MoreXisbiga UPD oo munaasabad sarreysa ku maamuusay maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo
Mubaasabad maamuuskeedu sarreeyo oo uu xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ku weyneynayay maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay ka dhacday xarunta dhexe ee xisbiga, ayadoona munaasabadda ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda xisbiga, xidhibaano…
Read MoreXisbiga UPD oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June
Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan wuxuu ugu hambalyeynayaa maalintan qiimaha badan ee 26-ka June oo ah maalintii ugu horeysay Calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhul Soomaaliyeed.
Read MoreXisbiga UPD oo sharci darro ku tilmaamay Warsaxaafaddeedkii ay wasaaradda arimaha gudaha kasoo saartay doorashada Galmudug
Sida ku cad qodobka 120-aad ee dastuurka KMG dalka, arimaha doorashooyinka maamul goboleedka Galmudug “Sida dowlad goboleedyada kale” waxaa qorsheyntooda, agaasinkooda iyo qabashadoodaba xaq u leh kaliya hay’addaha uu xaqsiinayo dastuurka dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed…
Read MoreXisbiga UPD oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga
Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa umadda Soomaaliyeed meel weliba oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga.
Read More