Wararka & Warbixinnada Xisbiga
Xisbiga UPD oo iskaashi la sameynaya xisbiyada siyaasadda ee ujeeddo wadaagga la ah
Golaha fulinta ee xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” oo maanta 29-9-2019 kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa ka arinta xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo iskaashiga lala sameeyo xisbiyada siyaasadda ee ujeeddo wadaagga la ah xisbiga UPD.
Read MoreXisbiga UPD oo si adag u cambaareeyay safarkii ay dowladda federaalka ka hor istaagtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed
Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” wuxuu si kulul u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee maalinnimadii shalay ay dowladda federaalka ku hor istaagtay safar uu Kismaayo ku tagi lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed.
Read MoreXisbiga UPD iyo qaar ka mid ah xisbiyada qaran ee dalka oo walaac ka muujiyay War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug
Xisbiyada qaran ee Midowga Nabadda & Horumarka “UPD”, Wadajir Party, Ilays, Horusocod Qaran iyo Nabadda ayaa waxay walaac xoogan ka muujinayaan War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee xalay lagu soo gabogabeeyay magaalada Dh.Mareeb ee caasimadda Galmudug.
Read MoreGuddoomiyaha xisbiga UPD oo qaar ka mid ah aqoonyahanka xisbiga kulan kula qaatay xarunta dhexe ee xisbiga
Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 10-9-2019 Presentation ciwaankiisu ahaa (Waa Maxay Aqoonsiga Umadda Soomaaliyeed) u jeediyay ku dhowaad 30 dhallinyaro oo aqoonyahanka xisbiga ah, wiilal iyo gabdhona isugu …
Read MoreXisbiga UPD oo hambalyo iyo bogaadin u diray ciyaartoyda Soomaaliyeed ee guusha weyn kasoo gaaray xulka Zimbabwe
Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka wuxuu hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa cayaartoyda iyo macalimiinta xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo caawa taariikh ka dhigay isreeb-reebka koobka aduunka 2022 kadib cayaar ay afka ciida ugu dareen xulka Zimbabwe.
Read MoreGuddoomiyaha xisbiga UPD oo dalka Ghana kaga qeyb galay Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan
Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 4-9-2019 wuxuu magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qeyb galay Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan (Kofi Annan peace and Security Forum, KAPSF).
Read More