Ku Saabsan Xisbiga
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka wuxuu u taagan yahay; ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka, dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah, xorriyadda muwaaddinka, hirgelinta sarreynta sharciga, xaqiijinta nabadda iyo horumarinta caddaaladda bulshada.
Xisbigu isaga oo cuskanayo mabaadii’da diinta Islaamka ee xaniifka ah, kana amba qaadaya dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed, kana faa’iideysanaya sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee dalka, waxuu u howlgaleyaa dhismaha bulsho ku naaloota nabad iyo horumar waara oo ku dhaqanta mabaadii’da dowladnimo ee ku saleysan sharciga iyo nidaamka dimoqraadiga ah.
Ujeeddada Xisbiga
- Si buuxda loo abaabulo dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.
Xeerinta shuruucda asaasiga ah iyo dib u qaabeeynta hay’adaha dowladnimada iyadoo hortabinta la siinaayo amniga, garsoorka, maamulka maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegga bulshada. - La baahiyo xukunka lana gaarsiiyo ilaa heer degaan si loo xaqiijiyo gaarista midnimada qaranka, kala danbeyn ku saleysan sharciga, iskaashiga iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.
- Si sharci ah loo qeexo hannaanka wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loogu guuleysto federaaleynta dalka La dhiso hay’ado dammaanad qaada ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, sida diintiisa, noloshiisa gaarka ah, sharaftiisa, maalkiisa, iyo caqligiisa si loo helo muwaaddin guta waajibaadkiisa qaran.
- La dhiso hay’ado hirgeliya baahinta dhaqanka nabadda, wada tashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanaanta sharciga, madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ku tagrifalka awoodaha dowladnimada.
- La qabyotiro Dastuurka KMG ah, loona bandhigo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dastuur joogta ah oo haga dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ay hiigsaneyso.
- La dhiirrigeliyo kobcinta dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaaladda wadaagga kheyraadka dalka iyadoo mudnaanta la siinaayo horumarinta kartida aadanaha.
- La hormariyo waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.
- La horumariyo dhallinyarada, haweenka, dhallaanka, lana daryeelo qoyska, agoonta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
- La xoojiyo lana horumariyo xiriirka waddamada caalamka, ururrada caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo Urur goboleedyada si loo helo nabad ku wada nolaasho iyo iskaashi dhaqaale.
Mabaadi’da Xisbiga
- Diinta Islaamka: Diinta islaamku waa saldhigga hab nololeedka shacabka soomaaliyeed lamana xeerin karo qawaaniin ka soo horjeedda.
- Midnimada Ummadda: Xisbiga waxa mabda’ aasaasi ah u ah adkaynta wadajirka iyo midnimada ummada soomaaliyeed.
- Nabadgalyo: Xisbigu waxa uu aaminsanyahay in nabadgalyadu tahay furaha hormarka waxana ka go’an in uu ka shaqeeyo nabadgalyada dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan nabadgalyada Gobolka ama mandaqadda.
- Hirgelinta isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan nabad, horumar iyo caddaalad ku saleysan sarreynta sharciga iyo sinnaanta muwaadiniinta.
- Lahaanshaha gaarka ah iyo suuqa xorta ah oo ah aasaaska dhaqaalaha dalka.
- Dhisidda nidaam dammaanad qaadaya daryeelka bulshada.
- Dhowrista xurriyadda qofka, madax bannaanida ra’yiga iyo dhiirrigelinta wadatashiga oo ah lafdhabarka horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada iyo asaaska bulsho ka madax bannaan cabsi iyo cabburin.
- Iskaashiga caalamka, daris wanaagga iyo nabad ku wada noolaashaha ayaa ah asaaska siyaasadda dibadda ee Xisbiga.
- Dhismaha dowladnimo hufan oo ku timaada rabitaanka shacabka muwaadiniintuna ay la xisaabtami karaan.