Kobcinta Dhaqaalaha
Soomaaliya waa dalka shanaad ee ugu saboolsan dunida, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Saboolnimaduna waxay saldhig u tahay colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira. Si wax looga qabto arrintaas, Xisbiga UPD wuxuu rumeysan yahay in xoog la saaro kobcinta dhaqaalaha dalka. Xisbiga UPD wuxuu aamisan yahay in dhaqaalaha dalka kobac 3% ah la gaarsiin karo sanadkii, afarta sano ee soo socota, haddii la qaado tallaabooyinkan:
- In la dhammeystiro waxa ka dhiman sharciyada udub-dhexaadka ah u ah maalgashiga shisheeye, sida Sharciga Caymiska, Sharciga Qandaraasyada, Sharciga Bangiyada iyo Hannaanka Maaliyadda iyo kuwa lamidka ah
- In la sameeyo sharciyo isku furaya ganacsiga gudaha dalka, lagana dhigo mid bilaa soohdin ah, oo ay agabku dacallada dalka isga gooshi karaan.
- In maal-galin muuqata la galiyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waddooyinka, dekedaha iyo airports-ka.
- In maal-galin weyn lagu sameeyo tamar (koronto) awood u leh in lagu shido warshado, si dalka loo keeno warshado yaryar oo soo saara agabka aasaasiga ah
- In si weyn loo kordhiyo maal-galinta dowladda ee waxbarashada iyo caafimaadka
- In maal-galin muuqata lagu sameeyo ilaha dhaqaalaha soo jireenka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga
- In la casriyeeyo isgaarsiinta, sida taleefonka iyo internet-ka, lagana faa’iideysto goobta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ku taallo
Intaas marka laga soot ago, xisbigu wuxuu rumeysan yahay in dowladdu ay maal-gashi ku sameysato arrimaha soo socda:
- Dibu soo nooleynta ilihii dhaqaale ee soo jiraanka ahaa ee Soomaaliya, sida: Beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga
- Howl-galinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso inay 75% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.
- In fursado gaar ah loo abuuro haweenka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu yaqaanno inay laf-dhabar u yihiin ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe. Xisbigu wuxuu xoogga saari doono in la abuuro mashaariic u gaar ah haweenka.