UPD – Midowga Nabadda & Horumarka
  • Bogga Hore
  • Xisbiga
    • Nagu Saabsan
    • Barnaamijka Xisbiga
    • Qiyamka
    • Dastuurka
    • Xarumaha
  • Maamulka
    • Hoggaanka
    • Golaha Fulinta
    • Golahe Dhexe
  • Garbaha
    • Garabka Haweenka
    • Garabka Dhalinyarada
    • Qurbajoogta
  • Laamaha
    • G.Banaadir
    • Gobollada Waqooyi
    • Puntland
    • Galmudug
    • Jubbaland
    • K.Galbeed
    • Hirshabeelle
  • Warbaahinta
    • Wararka
    • Muuqaallo
    • Sawirro
    • Warar Murtiyeed
    • Kulamada
    • Khudabado
  • NAGU SOO BIIR
  • Nala Soo Xariir

Arrinta Somaliland

Mowqifka Xisbiga UPD waa in midnimada Soomaaliya ay muqaddas tahay, cad/qeyb ka tirsan gayiga Soomaaliyana aan laga tanaasuli karin. Sidaas oo ay tahay, Xisbiga UPD wuxuu rumeysan yahay in si dhab ah, oo qumaati ah loo abbaaro arrinta Somaliland. Xisbiga UPD wuxuu qabaa in wadahadal toos ah lala galo walaalaha Somaliland, iyadoo loo kala saarayo […]
November 3, 2017 by UPD Party

Mowqifka Xisbiga UPD waa in midnimada Soomaaliya ay muqaddas tahay, cad/qeyb ka tirsan gayiga Soomaaliyana aan laga tanaasuli karin. Sidaas oo ay tahay, Xisbiga UPD wuxuu rumeysan yahay in si dhab ah, oo qumaati ah loo abbaaro arrinta Somaliland. Xisbiga UPD wuxuu qabaa in wadahadal toos ah lala galo walaalaha Somaliland, iyadoo loo kala saarayo mid ku beegan muddada soke, iyo mid ku beegan muddada fog:

Wadahadalka muddada soke, wuxuu ku saleysnaanayaa qodobbada soo socda;

  • Ixtiraam, isku dhimrin iyo walaaltinimo Soomaaliyeed
  • In laga garaabto dhibaatadii Gobollada Waqooyi Galbeed laga gaystay, dabayaaqadii siddeetameeyadii, laguna sameeyay magaca dowladdii Soomaaliyeed
  • In la garowsado, lana soo dhaweeyo horumarka lagu naalloon karo oo ay Somaliland gaartay 27-kii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan xagga amniga, kala dambeynta, maammulka, dimoqraadiyadda iyo wadar-oggolka bulshada
  • In la garowsado hanaqaadka dowladnimo ee heerka federaalka iyo heerka dowlad-goboleedyada laga gaaray sanadihii lasoo dhaafay
  • In lagu heshiiyo in kala aragti duwaanaanshaha jira lagu dhammeeyo wadahadal, is-qancin iyo isku tanaasul, meeshana laga saaro xoog iyo colaad
  • In lasii xoojiyo siyaasadda Dowladda Dhexe ee ah inaan marnaba la hor istaagin deeqaha caalamku ay siiyo Somaliland, la iskana kaashado
  • In muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobollada hoos yimaadda Somaliland loo fududeeyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, sida: baasaboorrada iyo aqoonsiyada kale, tasdiiqinta shahaadooyinka, arrimaha kale ee la xiriira waxbarashada iyo caafimaadka
  • In la wadaago maamulka hawada iyo badaha Soomaaliya, dakhliga kasoo xaroodana si lagu heshiiyay loo qaybsado.
  • In la fasoxo isku socodka Soomaalida, lana xoojiyo ganacsiga, iskaashiga waxbarashada, caafimaadka, isboortiga, fanka, IWM.

Wadahadallaada muddada fog waxay ku saleysanaanayaa qodobbadan:

  • Qaabka loo wadaagi karo dowladnimada (confederal, federal, IWM)
  • Awood qaybsiga dalka
  • Dhulalki ay dowladdii Soomaaliya laheyd, iyo sida loo maareynayo
  • Arrimaha kale ee masiiriga ah

 

Share this:
  • Facebook
  • Twitter
  • Google Plus
  • Pinterest
  • Email to a Friend
Previous Post
Kobcinta Dhaqaalaha
Next Post
Federaaleynta Dalka

Related News

MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
July 30, 2020 by Abdifitah Ahmed
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed
Featured Video
https://www.youtube.com/watch?v=n9BsWhjX1Fw
View All Videos
Popular News
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
30 July, 2020
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
29 July, 2020
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
29 July, 2020
More News

 

Midowga Nabadda & Horumarka

Waddada Garoonka, Wadajir, Muqdisho, Soomaaliya

  • Tel        :     00 252 617505556
  • Email    :     info@upd.so

Nagu Saabsan

  • Ujeeddda Xisbiga
  • Mabaadi’da Xisbiga
  • Qiyamka
  • Dastuurka Xisbiga
  • Hoggaanka

Warbaahinta

  • Wararka
  • Sawirrada
  • Muuqaallo
  • Warar Murtiyeed
  • Kulamada

Nagu Soo Biir

  • Xubinnimada
  • Taageere
  • Caawimaad
  • Nala Soo Xariir
  • Xarumaha

 

© 2018 Xuquuqdu way dhowran tahay        Xeerarka Adeegsiga | Siyaasadda Sir Dhawrka