MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
Muqdisho-30-July-2020, Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horuma UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan SHiekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo qabsoomay 28 bishan.
Madaxweyne Xassan SHiekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.
Madaxweyne Xassan SHiek Maxamud ayaa yiri “waxaan rabaa inaan faah faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”
“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aa u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiekh Maxamuud.
Mudane Xassan SHiek Maxamud ayaa sidoo kale sheegay in uusan is badali mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.
Dhammaad
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta MXQ ee Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa u dhexeeyey Mudane Xassan Shiekh Maxamuud Madaxweynihii sideedaad ee JFS iyo Mudane shariif Shiekh Axmed Madaxweynihii todobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haatanna hogaamiya MXQ iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ay wehliyaan Xildhobaano ka tirsan Golaha.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.
Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.
Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale is tusay sida ay muhiim u tahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara qalalaase dastuuri maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah loona baahan yahay in si nabad ah looga samata bixiyo dalka iyo dadka Somaaliyeed.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa horay usoo saartay baaqyo ku aadan in si nabad ah looga shaqeeyo mar xaladda kala guur ah ee dalka iyo in loo is taago sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo dhan yahay oo ku qabsoonta waqtigeeda.
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.
Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasillan oo suurogelin kara wadatashi si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladaan kala guurka ah.