UPD – Midowga Nabadda & Horumarka
  • Bogga Hore
  • Xisbiga
    • Nagu Saabsan
    • Barnaamijka Xisbiga
    • Qiyamka
    • Dastuurka
    • Xarumaha
  • Maamulka
    • Hoggaanka
    • Golaha Fulinta
    • Golahe Dhexe
  • Garbaha
    • Garabka Haweenka
    • Garabka Dhalinyarada
    • Qurbajoogta
  • Laamaha
    • G.Banaadir
    • Gobollada Waqooyi
    • Puntland
    • Galmudug
    • Jubbaland
    • K.Galbeed
    • Hirshabeelle
  • Warbaahinta
    • Wararka
    • Muuqaallo
    • Sawirro
    • Warar Murtiyeed
    • Kulamada
    • Khudabado
  • NAGU SOO BIIR
  • Nala Soo Xariir

HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI

Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta MXQ ee Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa u dhexeeyey Mudane Xassan Shiekh Maxamuud Madaxweynihii sideedaad ee JFS iyo Mudane shariif Shiekh Axmed Madaxweynihii todobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haatanna hogaamiya MXQ iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka […]
July 29, 2020 0 Comments by Abdifitah Ahmed in Government News Press

Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta MXQ ee Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa u dhexeeyey Mudane Xassan Shiekh Maxamuud Madaxweynihii sideedaad ee JFS iyo Mudane shariif Shiekh Axmed Madaxweynihii todobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haatanna hogaamiya MXQ iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ay wehliyaan Xildhobaano ka tirsan Golaha.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.

Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.

Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale is tusay sida ay muhiim u tahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara qalalaase dastuuri maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah loona baahan yahay in si nabad ah looga samata bixiyo dalka iyo dadka Somaaliyeed.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa horay usoo saartay baaqyo ku aadan in si nabad ah looga shaqeeyo mar xaladda kala guur ah ee dalka iyo in loo is taago sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo dhan yahay oo ku qabsoonta waqtigeeda.

Share this:
  • Facebook
  • Twitter
  • Google Plus
  • Pinterest
  • Email to a Friend
Previous Post
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
Next Post
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”

Related News

July 30, 2020 by Abdifitah Ahmed
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed
Guddiga fulinta ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD oo ka arrinsaday sidii loo dar dar galin lahaa howlaha Xisbiga.
Guddiga fulinta ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD oo ka arrinsaday sidii loo dar dar galin lahaa howlaha Xisbiga.
June 28, 2020 by Abdifitah Ahmed

Leave a Reply - Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked (required)

UJEEDDADA

Ujeeddada xisbiga

MABAADI’DA

Mabaadi’da Xisbiga

XUBINNIMADA

Xubin ka noqo xisbiga

Wararkii U Danbeeyay
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
30 July, 2020
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
29 July, 2020
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
29 July, 2020
Muuqaallo
https://youtu.be/8tIDRolvSJg
View All Videos

Midowga Nabadda & Horumarka

Waddada Garoonka, Wadajir, Muqdisho, Soomaaliya

  • Tel        :     00 252 617505556
  • Email    :     info@upd.so

Nagu Saabsan

  • Ujeeddda Xisbiga
  • Mabaadi’da Xisbiga
  • Qiyamka
  • Dastuurka Xisbiga
  • Hoggaanka

Warbaahinta

  • Wararka
  • Sawirrada
  • Muuqaallo
  • Warar Murtiyeed
  • Kulamada

Nagu Soo Biir

  • Xubinnimada
  • Taageere
  • Caawimaad
  • Nala Soo Xariir
  • Xarumaha

© 2018 Xuquuqdu way dhowran tahay        Xeerarka Adeegsiga | Siyaasadda Sir Dhawrka