UPD – Midowga Nabadda & Horumarka
  • Bogga Hore
  • Xisbiga
    • Nagu Saabsan
    • Barnaamijka Xisbiga
    • Qiyamka
    • Dastuurka
    • Xarumaha
  • Maamulka
    • Hoggaanka
    • Golaha Fulinta
    • Golahe Dhexe
  • Garbaha
    • Garabka Haweenka
    • Garabka Dhalinyarada
    • Qurbajoogta
  • Laamaha
    • G.Banaadir
    • Gobollada Waqooyi
    • Puntland
    • Galmudug
    • Jubbaland
    • K.Galbeed
    • Hirshabeelle
  • Warbaahinta
    • Wararka
    • Muuqaallo
    • Sawirro
    • Warar Murtiyeed
    • Kulamada
    • Khudabado
  • NAGU SOO BIIR
  • Nala Soo Xariir

Hogaanka UPD oo mar kale soo dhaweeyay dhallinyaro kusoo biiray Xisbiga

Madaxda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa mar kale waxay gelinkii dambe ee maanta 15-1-2019 xarunta dhexe ee xisbiga ku soo dhoweeyeen dufcaddii saddexaad oo tiradooda gaaraysey 120 dhallinyaro aqoonyahan ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
January 15, 2019 0 Comments by Abbas in News

Madaxda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa mar kale waxay gelinkii dambe ee maanta 15-1-2019 xarunta dhexe ee xisbiga ku soo dhoweeyeen dufcaddii saddexaad oo tiradooda gaaraysey 120 dhallinyaro aqoonyahan ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, kuwaasoo si toos ugu soo biiray xisbiga UPD.

Kulanka oo xarunta dhexe ee xisbiga UPD ka dhacay, waxaa hadallo isugu jirey soo dhoweynta dhallinyarada, u sharaxid hiigsiga iyo himilada xisbiga, qorshaha xisbiga ee ku aadan Dhallinyarada Soomaaliyeed, Hawlaha xisbigu Guud ahaan u taagan yahay iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga UPD ka jeediyey guddoomiyaha xisbiga mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xog-hayaha guud ee xisbiga mudane xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, iyo xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan oo ka mid ah aasasayaasha xisbiga ahna xildhibaan golaha shacabka.

Madaxda xisbiga oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib dhallinyaradan cusub ku bogaadiyay ka dhex xulashadooda xisbiga UPD xisbiyada kale ee dalka ka jira, waxaana madaxda ay tilmaameen in muwaadin weliba oo Soomaaliyeed ee ku qanca mabaadii’da xisbiga iyo barnaamijyadiisa aan xisbiga laga xigin oo ay furan tahay, dhallinyarada xisbiguna ay noqon doonaan kuwa u madax banaan afkaartooda iyo talooyinkooda, madaxda xisbigana ay diyaar u yihiin in khibradooda hogaamineed ay ku garab istaagaan dhallinyarada.

Dhallinyaradan xubnaha ka noqday xisbiga ayaa arin murugo leh ku tilmaamay marxalada uu dalku marayo, ayagoona balan qaaday in ay xisbiga ku muujin doonaan kaalintooda ku aadan samata-bixinta xaalada dalku uu marayo.

Hogaanka xisbiga ayaa ugu dambeyn ku dhiiro geliyay dhallinyaradan aqoonyahanka ah in xisbiga uu kaalin muuqata siinayo ayagana looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen isbadel dhinaca hogaaminta dhallinyarada oo ay siyaasadda kaga dhex muuqdaan.

Xisbiga UPD, ayaa maalmahaan caasimada dalka iyo goboladaba kawada hawlo waaweyn oo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan loogu bandhigayo xisbiga iyo barnaamijkiisa, ayadoo xisbiga uu aqbalaad iyo soo dhoweyn ballaaran kala kulmayo bulshada, waxaan xafiisyada xisbiga iyo qaabka onlineka ahba ku socota is-diiwaangelinta xubnaha cusub.

Haddii aadan horey isku diiwaangalin fadlan booqo www.upd.so, guji “nagu soo biir” si fududna ku buuxi macluumaadka kugu saabsan, marka aad xubin noqonto waxaa kula soo xiriiriya xafiiska qaabilsan xubnaha xisbiga.

Xafiiska Warfaafinta Xisbiga UPD.

 

Share this:
  • Facebook
  • Twitter
  • Google Plus
  • Pinterest
  • Email to a Friend
Previous Post
Kulanka Hogaanka UPD iyo dhallinyarada cusub ee Xisbiga kusoo biiray
Next Post
Xisbiga UPD oo Muxaadaro Siyaasi ah u qabtay xubnaha Xisbiga

Related News

MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
July 30, 2020 by Abdifitah Ahmed
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed

Leave a Reply - Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked (required)

UJEEDDADA

Ujeeddada xisbiga

MABAADI’DA

Mabaadi’da Xisbiga

XUBINNIMADA

Xubin ka noqo xisbiga

Wararkii U Danbeeyay
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
30 July, 2020
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
29 July, 2020
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
29 July, 2020
Muuqaallo
https://youtu.be/8tIDRolvSJg
View All Videos

 

Midowga Nabadda & Horumarka

Waddada Garoonka, Wadajir, Muqdisho, Soomaaliya

  • Tel        :     00 252 617505556
  • Email    :     info@upd.so

Nagu Saabsan

  • Ujeeddda Xisbiga
  • Mabaadi’da Xisbiga
  • Qiyamka
  • Dastuurka Xisbiga
  • Hoggaanka

Warbaahinta

  • Wararka
  • Sawirrada
  • Muuqaallo
  • Warar Murtiyeed
  • Kulamada

Nagu Soo Biir

  • Xubinnimada
  • Taageere
  • Caawimaad
  • Nala Soo Xariir
  • Xarumaha

 

© 2018 Xuquuqdu way dhowran tahay        Xeerarka Adeegsiga | Siyaasadda Sir Dhawrka