UPD – Midowga Nabadda & Horumarka
  • Bogga Hore
  • Xisbiga
    • Nagu Saabsan
    • Barnaamijka Xisbiga
    • Qiyamka
    • Dastuurka
    • Xarumaha
  • Maamulka
    • Hoggaanka
    • Golaha Fulinta
    • Golahe Dhexe
  • Garbaha
    • Garabka Haweenka
    • Garabka Dhalinyarada
    • Qurbajoogta
  • Laamaha
    • G.Banaadir
    • Gobollada Waqooyi
    • Puntland
    • Galmudug
    • Jubbaland
    • K.Galbeed
    • Hirshabeelle
  • Warbaahinta
    • Wararka
    • Muuqaallo
    • Sawirro
    • Warar Murtiyeed
    • Kulamada
    • Khudabado
  • NAGU SOO BIIR
  • Nala Soo Xariir

Booqashadii Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee UPD

Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa Arbaco 9-1-2019 soo booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD.
January 9, 2019 0 Comments by Abbas in News

Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa maanta soo booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD, ayagoo kulan waqti Dheer qaatay halkaas kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga UPD Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoga-hayaha Guud Md. Axmed M. Fiqi.

Ujeedka booqashada madaxda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka aheyd booqashooyin ay ku kala bixinayeen xarumaha xisbiyada qaran ee diiwaangashan, si loogu kuurgalo habsami u socodka hawlaha xisbiyada, iyo in xisbiyada la diiwaangeliyay ay yihiin kuwa shaqaynaya iyo in kale.

Mas’uuliyiintii ka socday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo madaxda xisbiga UPD ayaa is-dhaafsaday aragtiyo lagu hormarin karo hawlaha xisbiyada iyo abuuridda jawi dimuqraadi ah oo suuratagalin kara in xisbiyadu si xor ah hawlahooda ugu qabsan karaan, isla markaana loo heli karo nidaam bulshada loogu wacyigelin karo nidaamka axsaabta badan iyo faa’idooyinkiisa,

Xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka hawlaga xisbiga UPD iyo xaruntiisa cusub-ba, waxaana madaxda xisbigu soo dhoweeyeen hawlaha kormeerka guddigu ay wadaan iyo dadaalka guddigani ku bixinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, oo u dhacda qaab daahfuran oo xisbiyaduna ay kaalintooda ku leeyihiin.

Share this:
  • Facebook
  • Twitter
  • Google Plus
  • Pinterest
  • Email to a Friend
Previous Post
Furitaanka Xarunta dhexe ee Xisbiga UPD
Next Post
Kulanka Hogaanka & Aqoonyahanka UPD

Related News

MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
July 30, 2020 by Abdifitah Ahmed
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
July 29, 2020 by Abdifitah Ahmed

Leave a Reply - Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked (required)

UJEEDDADA

Ujeeddada xisbiga

MABAADI’DA

Mabaadi’da Xisbiga

XUBINNIMADA

Xubin ka noqo xisbiga

Wararkii U Danbeeyay
MADAXWEYNE HASSAN SHIEKH “MA JIRTO WAX FARRIIN AH OO UU NOO KEENAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKU AMA AAN ANNGU U DHIIBNAY”
30 July, 2020
HOGAANKA MADASHA XISBIYADA QARAN IYO GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA AYAA ISLA GARTAY IN LAGA FOGAADO IN DALKU WAJAHO QALALAASE DASTUURI
29 July, 2020
XISBIGA MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA UPD AYAA KA SHIRAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA
29 July, 2020
Muuqaallo
https://youtu.be/8tIDRolvSJg
View All Videos

 

Midowga Nabadda & Horumarka

Waddada Garoonka, Wadajir, Muqdisho, Soomaaliya

  • Tel        :     00 252 617505556
  • Email    :     info@upd.so

Nagu Saabsan

  • Ujeeddda Xisbiga
  • Mabaadi’da Xisbiga
  • Qiyamka
  • Dastuurka Xisbiga
  • Hoggaanka

Warbaahinta

  • Wararka
  • Sawirrada
  • Muuqaallo
  • Warar Murtiyeed
  • Kulamada

Nagu Soo Biir

  • Xubinnimada
  • Taageere
  • Caawimaad
  • Nala Soo Xariir
  • Xarumaha

 

© 2018 Xuquuqdu way dhowran tahay        Xeerarka Adeegsiga | Siyaasadda Sir Dhawrka