Ansixinta KMG ee Dastuurka iyo Dooraashada Guddoomiyaha Xisbiga
In ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, Xildhibaano, Senators, hogaamiyaalka haweenka, dhalinyaro iyo xubno kale oo ururo bulsho ah ayaa maanta si KMG ah u ansixiyey Dastuurka Xisbiga, oo shaqeynaya ilaa Shirweynaha Xisbiga oo la qaban doono doona Maarso 2019.
Waxaana guddoomiye KMG ah loo doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ilaa iyo inta laga gaarayo Shirweynaha Xisbiga oo ku beegan Maarso 2019, markaas oo dhammaan xilalka xisbiga dib loo soo dooran doono.
Guddoomiyaha ayaa markii la doortay xilka, waxa uu u mahadceliyay xubnaha xisbiga waxa uuna yiri:
“Waxan u mahad naqayaa Xubnaha Xisbiga oo maanta ii doortay Guddoomiyaha Xisbiga waxan Eebbe ka rajaynayaa in uu ii fududeeyo mas’uuliyadda culus ee laygu aaminay”

Leave a Reply